Wednesday, 6 February 2019

QISADII ASXAABUL UKHDUUD

Waxa jiray boqor ka taliya meesha loo yaqaano Najraan oo imnka ku taala dhulka Sacuudi Arabiya. Boqorkaasi waxa uu lahaa nin saaxir ah (faaliye), kadib ninkii faaliyaha ahaa ayaa da’diisii waynaatay markaasuu boqorkii ku yidhi:- ”Boqorow waayeel ayaan noqday, geeridaydiina way soo dhowaatay ee waxaad keentaa wiil yar oo caqli badan oo aan baro sixirka” Boqorkii waa keenay wiilkii yaraa ee caqliga badnaa, waxaanu faaliyihii baray sixirka. Haseahaatee waxa jiray nin Raahiba (wadaad haysta diintii nabi Ciise N.N.K.H) oo mowlac ku lahaa wadada uu sii maro wiilka yar. Wiilkii waxa uu iska ag fadhiistay raahibkii, waxaana cajab galisay hadalka raahibka waanu ka helay. Balse marka wiilku faaliyaha u tago ayuu garaacaa oo ku dhahaa xagaad ku habsaantay, marka guriga uu tagana waa la garaacaa oo la dhahaa xagaad ku habsaantay? Kadibna wiilkii waxa uu usheegay raahibkii in la garaaco markuu faaliyaha u tago iyo markuu guriga tagoba, dabadeedna Raahibkii ayaa ku yidhi waxaad ku tidhaahdaa faaliyaha markuu ku waydiiyo xagaad ku habsaantay, waxan ku habsamay guriga, hadii ehelkaagu ku waydiiyana ku dheh, waxaan ku habsaamay saaxirka.
Maalintii danbe ayaa magaaladii waxa yimi daabad wayn (Bahal wayn oo laga cabsanayey) waxayna kala xirtay wadadii. Wiilkii yaraa ayaa qaatay dhagax oo yidhi:- ”Ilaahayoow hadii arrinka raahibka agtaada looga jacayl badan yahay arrinka saaxirka, dhagaxan ku dil bahalkan” kadibna dhagaxii ayuu ku tuuray bahalkii waanu dilay, dadkiina way mareen wadadii. Wiilkii arrintii ayuu u sheegay Raahibkii, raahibkiina waxa uu ku yidhi:- Wiilyahaw adigu maanta waad iga fiicantahay, waana lagu imtixaamayaa ee haysoo sheegin.
Wiilkii waxa Eebe (SW) ka muujiyey karaamooyin badan, waxa uu dawayn jiray dadka uu hadalku ku dhagsanayahay, dadka baraska qaba iyo cuduro kale oo badan idinka Eebe (SW). Wiilkii arrintiisii way faaftay oo waxa gaadhay nin ka agdhowaa boqorka oo indho beelay, kadibna inta uu soo qaaday hadyad badan ayuu ku yidhi wiilyahaw i dawee oo indhahaygii iisoo celi. Wiilkii waxa uu yidhi ”Anigu cidna ma daweeyo ee ilaahay ayaa daweeya, hadaadse rumayso waanku barayaa inuu kuu soo celiyo indhahaagii. Kadibna wuu rumeeyey, Eebana indhihii ayuu usoo celiyay. Kadibna meeshii u fadhiisan jiray ayuu ku noqday. Boqorkii ayaa waydiiyey; Yaa kuusoo celiyey indhaha? Ninkii waxa uu yidhi (Ilaahay). Boqorkii waxa uu yidhi :- Ma aniga ayaa kuusoo celiyey? Ninkii waxa uu yidhi; May ee waxa iisoo celiyey Ilaahay iyo Ilaahaaga. Oo ma waxaad leedahay Rabbi aan aniga ahayn? Ninkii waxa uu yidhi;- Haa oo waa Rabbigay iyo Rabbigaa.
Ninkii waa la cadibay ilaa inta uu ka sheegayey wiilkii yaraa, wiilkiina waa la cadibay ilamaayo uu ka sheegay Raahibkii. Kadib raahibkii ayaa lagu dhahay ka noqo diintaada, waanu diiday dabadeedna miishaar ayaa madaxa lagaga qabtay, waxaana loo kala jaray laba qaybood. Indhoolihiina sidoo kale waa lakala jaray. Boqorkii waxa uu ku yidhii ciidankiisii; wiilkan geeya buur dusheed kadibna ku dhaha ka noqo diintaada, haduu diidana buurta ka tuura. Wiilkii waa la kaxeeyey oo la saaray buur sare, markaasuu Eebe (SW) baryay inuu ka kaafiyo, dabadeed buurti ayaa gariirtay oo waxa daatay ciidankii, wiilkiina boqorkii ayuu kusoo noqday. Boqorkii waxa uu ku daray ciidan kale oo uu ku yidhi, geeya badda oo ka tuura doonta haduu ka noqon waayo diinta. Waa la qaaday wiilkii oo la saaray doon, markii la geeyay badda dhexdeeda ayuu Ilaahay baryey inuu ka kaafiyo kuwana, Eebana waa ka kaafiyey kadibna waxa uu kusoo noqday boqorkii waxaanu ku yidhi;- ima dili karaysid ilaa aad amarkayga fuliso, waxaad isugu yeedhaa dadka oodhan kadibna intaad warankan qaado dheh (bismillaah rabbi qulaam) kadibna igu soo gan waranka markaasunbaan dhimanayaa. Boqorkii waxa uu iskugu yeedhay dadkii kadibna warankii ayuu ku ganay wiilkii waxaanu sameeye sidii la faray, Wiilkiina waa dhintay.
Dadkii oo dhan waxay dhaheen waxaan rumaynay Rabbiga wiilka yar. Boqorkii ayaa loo sheegay in wixii uu ka cabsanayey dhaceen, dadkii oo dhamina rumeeyeen Eebe (SW). Boqorkii waxa uu faray ciidankiisii inay qodaan godad kuna shidaan dab iyo holac kadibna ku tuuraan cidii diida inay ka noqoto diinta Islaamka. Kadib dadkii waxay u baratameen dhankii dabka oo isku tuureen godadkii naarta ahaa. Waxa jiray haweenay xanbaarsanayd ilmo yar kadibna waxay u cabsatay cunuga yar, markaasaa Eebe (SW) ka hadliyey ilmihii yaraa waxaanu yidhi ”Hooyoy, samir xaq ayaad ku taagantahay” Qisadan waxa Eebe (SW) ku xusay Quraanka, Suurada Buruuj 1-10.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ (١) وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ (٢) وَشَاهِدٍ۬ وَمَشۡہُودٍ۬ (٣) قُتِلَ أَصۡحَـٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ (٤) ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ (٥) إِذۡ هُمۡ عَلَيۡہَا قُعُودٌ۬ (٦) وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُہُودٌ۬ (٧) وَمَا نَقَمُواْ مِنۡہُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ (٨) ٱلَّذِى لَهُ ۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ‌ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىۡءٍ۬ شَہِيدٌ (٩) إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَـٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ (١٠
  1. Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
  2. Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
  3. Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
  4. Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu’miniinta lagu cadibo).
  5. Ee ahaa Naar olal (oo shidaal) leh.
  6. Gaaladiina ay korfadhiyeen Godka.
  7. iyagoo daawan waxa lagu fali Mu’miniinta «oo Jirrabaad ah».
  8. Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
  9. Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
  10. Kuwa Mu’miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubis.

شيخ صالح مغامسي


Thursday, 31 January 2019

Taariikhdii Saxaabigii Carshiga Raxmaanku u gariiray (Sacad ibnu Mucaad)

Sacad ibnu Mucaad wuxuu ahaa Saxaabadii ugu waaweynayd saxaabada RAsuulka, waxaanu ahaa nin Ansaari ah gaar ahaan jilibkiisu wuxuu ahaa reer ban Cabdiash-hal. Saxaabigan wuxuu ahaa Nin dheer, feedhowayn, midabkiisuna cadaan yahay gadhna leh wuxuu aha nin aad u qurux badan, wuxuuna madax u ahaa qabiilkiisa reer Cabdiash-hal iyo guud ahaan reen Awsba. Saxaabigan hooyadii waxa la odhan jiray Kabsha bintu raafic waxayna ahayd haween muslimad ah sidoo kale xaaskiisa waxa la odhan jiray Hinda bintu Samaaka, waxaana isaga kahor qabay walaalkii Aws ibnu Mucaad, gabadhana way islaamtay caruurna way u dhashay Sacad ibnu Mucaad. Sacad ibnu Mucaad waxa soo islaamiyey safiirkii koowaad ee Islaamka Muscab ibnu Cumayr, kadibna wuxuu Sacad u tagay reerkii uu kasoo jeeday reer bani cabdilsuh.hal, waxaanu yidhi: Hadalkaygu waa idinka xaaraan hadaydaan islaamin, isla markiiba qabiilkiisii waa wada islaamay. Sacad wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar ee uu Allah guusha siiyey Muslimiinta. Sidoo kale dagaalkii Uxudna waa ka qayb galay wuxuuna ahaa isaga iyo Cumar saxaabadii fadhiisatay markay maqleen in Nabigii Ilaahay ee Muxamed la dilay kadibna waxa soo maray saxaabiga Anas ibnu Nadri oo seeftiisa ku jeeni qaaran kuna dhahay: Maxaad la fadhiisateen, dagaalama. Waxay dhaheen: Nabigiibaa la dilay, wuxuu dhahay: haduu dhintay Nabigu kaca oo ku dhinta wuxuu ku dhintay Nabigii Ilaahay, kadibna waa dagaalamay oo waa shahaado qaatay. Sacad ibnu Mucaad wuxuu kale oo ka qaybgalay dagaalkii Axzaab oo gaaladii Qureesh oo ahayd Afar kun oo nin iyo carabtii reer bani Qadafaan oo ahaa Lix kun oo ni ay duulaan kusoo qaadeen magaalada Madiina si ay u qabsadaan waxaana dhagartaas kala qaybgalay Yahuudii reer bani Qureyda oo ballantii ay muslimiinta la ahaayeen ka baxday. Si kastaba ha ahaatee Ilaahay ayaa gaaladii usoo diray mid kamid ah ciidamiisa oo ah Dabyl kadibn hilfaha ayey dabayshaasi u kala qaaday colkii wayn firdhadeen oo ku laabteen meeshii ay ka yimaadeen. Dagaalkaas markuu dhamaaday ayaa Nabigu weerar ku qaaday Yahuudii ku kacday khiyaanada qaran, waxayna soo galeen gacanta Muslimiinta. Sacad waxa dhaawac kasoo gaadhay gacanta oo dhiig ayaa ku furmay waxaana la dhigay cariish uu ku nasto balse markiii ciidankii Muslimiintu qabsadeen Yahuudii ayuu Nabigu u yeedhay Sacad maxaayeelay qabiilkiisa ayey Yahuuda reer banu Qureyda ay xilfi wadaag la ahaayeen. Sacad ayaa yimid goobtii dagaalka waxaanu Nabigu ku dhahay: Sacadoow adigaa xukumaya ee ku xukun waxaad rabto. Wuxuu dhahay Sacad: RAsuulkii Ilaahayow, waxaan ku xukumay in la laayo ragooda lana qafaasho haweenkooda iyo caruurtooda, markaasu Nabiguna dhahay: Waxaad ku xukuntay xukunkii Ilaahay kaga soo xukumay todobada Samo korkooda. Sacad wuxuu had kahor ku ducaystay in Ilaahay furo dhaawicii kasoo gaadhay dagaalka Axzaab hadii uu ka indho doogsado Yahuudii ballanta burisay. Markuu ka indho doogsaday Yahuudii ayaa nabarkii furmay, waxayna keentay inuu u geeriyoodo dhiig bixii iyo nabarkii oo joojin waayey inuu dhiigu istaago. Sacad ibnu Mucaad markuu geeriyooday waxa janaasadiisii ka qaybgalay todobaatan kun oo Malak oo sii galbinaysa maydkiisa siina sagootinaysa, waxa kale oo geeridiisa awgeed gariiray ama gilgilmay carshiga Raxmaanka, waxaan ruuxdiisa loo furay Samooyinka, Ilaahay raali haka ahaado saxaabiga Sacad ibnu Mucaad.

Wednesday, 30 January 2019

Qisadii ninkii lagu tilmaamay inuu ahaa doqon

Ninka la dhaho magiciisa Abuqabashaan, wuxuu ahaa nin kasoo jeeda qabiilka reer Khusaaca. Wuxuuna hayn jiray furaha Kacbada, isagoo wakiilka ka ahaa gabadh la dhaho Xubba bintu Xulayl oo aabaheed magaalada Makkah ka talin jiray islaamka kahor. Xulayl intaanu dhimanin wuxuu furaha kacbada u dardaarmay inantiisa Xubba, balse wuxuu wakiil uga dhigay Abuqabashaan.
Xubba bintu Xulayl waxa qabi jiray ninka la dhaho Qussay ibnu Kilaab oo ahaa nin reer Qureesheed ah, ahna nabiga (scw) awoowgiisa afaraad.
Sida taariikhdu tilmaamayso ninkan Qussay ayaa u tagay Abuqabashan, wuxuuna ka iibsaday furaha Kacbada, isagoo ka siistay koob khamriya. Sidaasna Qussay ayaa furaha Kacbada kula wareegay.
Arrintaas waxay u cuntami wayday qabiilkii reer Khusaaca ee xilligaa Makkah ka talinayey, waxaana dhacay dagaal dhex maray reer Qureesheed iyo reer Khusaaca, waxaana ku adkaaday dagaalkii reer Qureesheed, sidaasbayna kula wareegeen talada magaalada Makkah iyo kacbadaba.
Hadaba ninkan Abuqabashaan, wuxuu noqday nin marka laga hadlayo doqonimada loo soo qaato tusaale, sababto ah wuxuu Kacbada wayn ee qiimahaas leh ku iibiyey cabitaan khamriya.

Xigasho:
Raxiiq Almakhtuum, Saffiyu Arraxmaan Almubaarakfuuri

استغفر الله


Marabtaa khayr iyo wanaag

Ma rabtaa in khasnada Jannada taala aad hesho?

Hadii aad rabto waxaad tidhaahdaa:  ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah”. Waxaana u daliila fadligaas xadiiskan:
قال صلى الله عيه وسلم:” يا عبد الله بن قيس ألا أدلك على كنز من كنوز الجنة ؟” فقلت:بلى يا رسول الله ، قال :” قل لا حول ولا قوة إلا بالله[1]
Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi: ” Cabdilaahi ibnu Qaysoow, makuu tilmaamaa khasnad kamida khasnadaha jannada? Waxaan dhahay: Haa, Rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: ”Waxaad tidhaahdaa: ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah”

Ma rabtaa in geed timireed Jannada lagaaga beero?

Hadii aad rabto in Jannada geed timireed lagaaga beero, waxaad tidhaahdaa: “SubxaanaAllah al-cadiimi wa bixamdihii” Waxaana u daliila xadiiskan:
عن جابر رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال” :مَنْ قَالَ : سُبْحَانَ اللهِ العَظِيمِ وَبِحَمْدِهِ ، غُرِسَتْ لَهُ نَخْلَةٌ فِي الجَنَّةِ رواه الترمذي (3464) وقال : هذا حديث حسن صحيح غريب
Jaabir, Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in nabigu (scw) dhahay: ”Ruuxii dhaha: SubxaanaAllah al-cadiimi wa bixamdihii, waxa Jannada looga beeraa geed timireed”[2]

Ma rabtaa in danbiyadaada la dhaafo xitaa xunbada baada hala mid noqdaane?

Hadii aad rabto danbiyadaada oo lamid noqday sida xunbada badda, fara badnaantooda awgood, waxa laguugu dhaafaya ereyadan kooban oo aad ku celcliso boqol jeer maalintii. Waxaad tidhaahdaa: ”SubxaanaAllah wa bixamdihii” Waxaana u daliila:
قال صلى الله عيه وسلم:من قال سبحان الله وبحمده في يوم مائة مرة حطت خطاياه ولو كانت مثل زبد البحر
Wuxuu dhahay Rasuulku (scw): ”Cidii tidhaahda, subxaanaAllah wa bixamdihii, maalintii boqol jeer, waxa laga tirtirayaa danbiyadiisa, xitaa hala mid noqdaan xunbada baddee” [3]

Ma rabtaa in hamigaaga Ilaahay kaaga filnaado?

Hadii aad rabto in hamigaaga aduunyo iyo aakhiraba, Ilaahay kaa kaafiyo waxaad ku celcelisaa todoba jeer ” Xasbiya Allahu laa’ilaaha ilaa huwa calayhi tawakkaltu wahuwa rabbul carshi al-cadiim” waxaana u daliila xadiiskan:
عن أبي الدرداء رضي الله عنه أن من قالإذا أصبح وإذا أمسى: حسبي الله لا إله إلا هو عليه توكلت وهو رب العرش العظيم سبع مرات كفاه الله ما أهمه، صادقاً كان أوكاذباً.رواه أبو داود.
Abi dardaa, ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu dhahay: qofkii dhaha: markuu waabariisto iyo markuu galabaystaba: xasbiya Allahu, laa’ilaaha ilaa Allahu, calayhi tawakkaltu wahuwa rabbu al-carshi al-cadiimi, todoba jeer, waxa Ilaahay kaga filnaada wuxuu ku haminayey, run ha ahaado ama beenbee”[4]

Ma rabtaa in 4 qof oo adoomo ah inaad Ilaahay wajigiisa u xoreyso:

Hadii aad rabto inaad xoreyso afar qof oo adoomo ah, oo Ilaahayna (swt) kuu qoro ajirkooda, waxaad akhridaa ducadan toban jeer: ”Laa’ilaaha ilaa Allahu waxdahu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu al-xamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiirun” Waxaana u daliila xadiiskan:
عن أَبِي أَيُّوبَ الْأَنْصَارِيِّ عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال : ( مَنْ قَالَ : لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، عَشْرَ مِرَارٍ كَانَ كَمَنْ أَعْتَقَ أَرْبَعَةَ أَنْفُسٍ مِنْ وَلَدِ إِسْمَاعِيلَ ) 
Abu Ayuub al-ansaariwuxuu kasoo wariyey Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Cidii tidhaada: laa’ilaaha ilaa Allahu waxdahuu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu al-xamdu wa huwa calaa kulli shay’in qadiir, toban jeer, wuxuu lamid yahay sidii qof xoreeyey afar qof oo kamida ubadkii nabi Ismaaciil” [5]

Ma rabtaa in ajirka khatinka Quraanka laguu qoro?

Hadii aad jeceshahay in laguu qoro ajirka khatinka Quraanka Kariimka, waxad sadex jeer akhridaa suuratu al-ikhlaas. Waxaana u daliila xadiiskan:
عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : أَيَعْجِزُ أَحَدُكُمْ أَنْ يَقْرَأَ فِي لَيْلَةٍ ثُلُثَ الْقُرْآنِ ؟ قَالُوا : وَكَيْفَ يَقْرَأْ ثُلُثَ الْقُرْآنِ . قَالَ : قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ تَعْدِلُ ثُلُثَ الْقُرْآنِ 
Abi dardaa waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Midkiin ma wuxuu ka caajisayaa inuu akhriyo habeenkii Quraanka sadex daloolkii? Waxay dhaheen: Oo sidee ayaan u akhrinaa quraanka sadex daloolkii? Wuxuu yidhi: Qul huwa Allahu axadun, waxay u dhigmaysaa sadex meelood hal meel oo Quraanka ah”[6]

[1] Bukhaari iyo Muslim
[2] Tirmadi: 3464, waxa saxiixiyey Albaani, silsilada xadiisyada saxiixa ah, xadiiska 64.
[3] Bukhaari: 6405 iyo Muslim: 2692
[4] Abu-daawuud ayaa soo saaray isagoo mawquufa, waxaana saxiixiyey Shucayb iyo Cabdiqaadi al-arnaa’uudi. Akhriso xisnul muslimka, ducooyinka galinka hore iyo galinka danbe, bogga 61aad.
[5] Bukhaari: 6404 iyo Muslim: 2693
[6] Muslim: 811 iyo Bukhaari: 6643

Suaalo..iyo jawaabi

Su aalo iyo jawaabo caqiido  س/ماهو الشرك الاصغر؟ ج/ الشرك الصغر هو الرياء هل يجوز حلف بغير الله؟ ج/لا يجوز الحلف بغير الله س/هل يحتاج ...