Waxa jiray boqor ka taliya meesha loo yaqaano Najraan oo imnka ku taala dhulka Sacuudi Arabiya. Boqorkaasi waxa uu lahaa nin saaxir ah (faaliye), kadib ninkii faaliyaha ahaa ayaa da’diisii waynaatay markaasuu boqorkii ku yidhi:- ”Boqorow waayeel ayaan noqday, geeridaydiina way soo dhowaatay ee waxaad keentaa wiil yar oo caqli badan oo aan baro sixirka” Boqorkii waa keenay wiilkii yaraa ee caqliga badnaa, waxaanu faaliyihii baray sixirka. Haseahaatee waxa jiray nin Raahiba (wadaad haysta diintii nabi Ciise N.N.K.H) oo mowlac ku lahaa wadada uu sii maro wiilka yar. Wiilkii waxa uu iska ag fadhiistay raahibkii, waxaana cajab galisay hadalka raahibka waanu ka helay. Balse marka wiilku faaliyaha u tago ayuu garaacaa oo ku dhahaa xagaad ku habsaantay, marka guriga uu tagana waa la garaacaa oo la dhahaa xagaad ku habsaantay? Kadibna wiilkii waxa uu usheegay raahibkii in la garaaco markuu faaliyaha u tago iyo markuu guriga tagoba, dabadeedna Raahibkii ayaa ku yidhi waxaad ku tidhaahdaa faaliyaha markuu ku waydiiyo xagaad ku habsaantay, waxan ku habsamay guriga, hadii ehelkaagu ku waydiiyana ku dheh, waxaan ku habsaamay saaxirka.
Maalintii danbe ayaa magaaladii waxa yimi daabad wayn (Bahal wayn oo laga cabsanayey) waxayna kala xirtay wadadii. Wiilkii yaraa ayaa qaatay dhagax oo yidhi:- ”Ilaahayoow hadii arrinka raahibka agtaada looga jacayl badan yahay arrinka saaxirka, dhagaxan ku dil bahalkan” kadibna dhagaxii ayuu ku tuuray bahalkii waanu dilay, dadkiina way mareen wadadii. Wiilkii arrintii ayuu u sheegay Raahibkii, raahibkiina waxa uu ku yidhi:- Wiilyahaw adigu maanta waad iga fiicantahay, waana lagu imtixaamayaa ee haysoo sheegin.
Wiilkii waxa Eebe (SW) ka muujiyey karaamooyin badan, waxa uu dawayn jiray dadka uu hadalku ku dhagsanayahay, dadka baraska qaba iyo cuduro kale oo badan idinka Eebe (SW). Wiilkii arrintiisii way faaftay oo waxa gaadhay nin ka agdhowaa boqorka oo indho beelay, kadibna inta uu soo qaaday hadyad badan ayuu ku yidhi wiilyahaw i dawee oo indhahaygii iisoo celi. Wiilkii waxa uu yidhi ”Anigu cidna ma daweeyo ee ilaahay ayaa daweeya, hadaadse rumayso waanku barayaa inuu kuu soo celiyo indhahaagii. Kadibna wuu rumeeyey, Eebana indhihii ayuu usoo celiyay. Kadibna meeshii u fadhiisan jiray ayuu ku noqday. Boqorkii ayaa waydiiyey; Yaa kuusoo celiyey indhaha? Ninkii waxa uu yidhi (Ilaahay). Boqorkii waxa uu yidhi :- Ma aniga ayaa kuusoo celiyey? Ninkii waxa uu yidhi; May ee waxa iisoo celiyey Ilaahay iyo Ilaahaaga. Oo ma waxaad leedahay Rabbi aan aniga ahayn? Ninkii waxa uu yidhi;- Haa oo waa Rabbigay iyo Rabbigaa.
Ninkii waa la cadibay ilaa inta uu ka sheegayey wiilkii yaraa, wiilkiina waa la cadibay ilamaayo uu ka sheegay Raahibkii. Kadib raahibkii ayaa lagu dhahay ka noqo diintaada, waanu diiday dabadeedna miishaar ayaa madaxa lagaga qabtay, waxaana loo kala jaray laba qaybood. Indhoolihiina sidoo kale waa lakala jaray. Boqorkii waxa uu ku yidhii ciidankiisii; wiilkan geeya buur dusheed kadibna ku dhaha ka noqo diintaada, haduu diidana buurta ka tuura. Wiilkii waa la kaxeeyey oo la saaray buur sare, markaasuu Eebe (SW) baryay inuu ka kaafiyo, dabadeed buurti ayaa gariirtay oo waxa daatay ciidankii, wiilkiina boqorkii ayuu kusoo noqday. Boqorkii waxa uu ku daray ciidan kale oo uu ku yidhi, geeya badda oo ka tuura doonta haduu ka noqon waayo diinta. Waa la qaaday wiilkii oo la saaray doon, markii la geeyay badda dhexdeeda ayuu Ilaahay baryey inuu ka kaafiyo kuwana, Eebana waa ka kaafiyey kadibna waxa uu kusoo noqday boqorkii waxaanu ku yidhi;- ima dili karaysid ilaa aad amarkayga fuliso, waxaad isugu yeedhaa dadka oodhan kadibna intaad warankan qaado dheh (bismillaah rabbi qulaam) kadibna igu soo gan waranka markaasunbaan dhimanayaa. Boqorkii waxa uu iskugu yeedhay dadkii kadibna warankii ayuu ku ganay wiilkii waxaanu sameeye sidii la faray, Wiilkiina waa dhintay.
Dadkii oo dhan waxay dhaheen waxaan rumaynay Rabbiga wiilka yar. Boqorkii ayaa loo sheegay in wixii uu ka cabsanayey dhaceen, dadkii oo dhamina rumeeyeen Eebe (SW). Boqorkii waxa uu faray ciidankiisii inay qodaan godad kuna shidaan dab iyo holac kadibna ku tuuraan cidii diida inay ka noqoto diinta Islaamka. Kadib dadkii waxay u baratameen dhankii dabka oo isku tuureen godadkii naarta ahaa. Waxa jiray haweenay xanbaarsanayd ilmo yar kadibna waxay u cabsatay cunuga yar, markaasaa Eebe (SW) ka hadliyey ilmihii yaraa waxaanu yidhi ”Hooyoy, samir xaq ayaad ku taagantahay” Qisadan waxa Eebe (SW) ku xusay Quraanka, Suurada Buruuj 1-10.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ (١) وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ (٢) وَشَاهِدٍ۬ وَمَشۡہُودٍ۬ (٣) قُتِلَ أَصۡحَـٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ (٤) ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ (٥) إِذۡ هُمۡ عَلَيۡہَا قُعُودٌ۬ (٦) وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُہُودٌ۬ (٧) وَمَا نَقَمُواْ مِنۡہُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ (٨) ٱلَّذِى لَهُ ۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىۡءٍ۬ شَہِيدٌ (٩) إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَـٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ (١٠
- Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
- Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
- Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
- Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu’miniinta lagu cadibo).
- Ee ahaa Naar olal (oo shidaal) leh.
- Gaaladiina ay korfadhiyeen Godka.
- iyagoo daawan waxa lagu fali Mu’miniinta «oo Jirrabaad ah».
- Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
- Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
- Kuwa Mu’miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubis.
No comments:
Post a Comment