Thursday, 21 February 2019

Suaalo..iyo jawaabi

Su aalo iyo jawaabo caqiido
 س/ماهو الشرك الاصغر؟
ج/الشرك الصغر هو الرياء
هل يجوز حلف بغير الله؟
ج/لا يجوز الحلف بغير الله
س/هل يحتاج  الدعاء لواسطة البشر؟
ج/لا يحتاج الدعاء لواسطة بشر
س/هل يجوز طلب الدعاء من الاحياء؟
ج/يجوز طلب من الحياء لا اموات
س/ماهي واسطة الرسول صلى الله عليه وسعليه وسلم؟
ج/واسطة الرسول صلى الله عليه وسلم هي التبليغ
س/ ممن تطلب شفاعة الرسول صلى الله عليه وسلم؟
ج/ تطلب شفاعة الرسول صلى الله عليه وسلم من الله

Wednesday, 20 February 2019

Xadiis micna weyn kufadhiya

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم " لَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَنَاجَشُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إخْوَانًا، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ، لَا يَظْلِمُهُ، وَلَا يَخْذُلُهُ، وَلَا يَكْذِبُهُ، وَلَا يَحْقِرُهُ، التَّقْوَى هَاهُنَا، وَيُشِيرُ إلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنْ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ: دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ" . 
[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].
 
IS XAQDHOWRIDDA XUBNAHA BULSHADA
 
Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu Rasuulkii llaahay yiri: Ha is-xaasidina, ha isku fallisina badeecadda idinkoo uga dan leh in qof kale lagu qaaliyeeyo sicirka, ama hoos looga dhigo qiimaha, ha isu caroonina, ha isu dhabar jeedinina, badeecad qof baayacayo ha ka hor baayicina. Noqda addoomo llaahay oo walaalo ah, Muslimkuna qofka Muslimka ah ma dulmo, ma hoojiyo, ma beeniyo, mana quursado. Taqwadu waa halkaan isagoo gacanta saaray (SCW) laabtiisa saddex jeer. Waxaa shar ugu filan qofka in uu quursado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga Muslimka xoolihiisa iyo sharafkiisa.
 
Waxaa weriyey Muslim
 
SHARAXA
 
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa ka hortegidda waxyaalaha dadka kala geeya ee isku dira, waxaanu xaaraantinimeeyey sagaal (9) arrimood oo ka mid ah waxyaalaha dadku isku naco ee kala fogeeya 
 
1. Waa xaasidnimada oo ah inaad kahato ama ka xumaato waxa qofka kale u kordha oo kheyr ah, waana dabeecad aad u xun, maxaa yeelay, qofkii isagoon waxba la yeelin, waxba laga dhimin xaqiisii, ayuu ka xun yahay kheyr Rabbi qof kale ku galladaystay, marka xaasidnimadu waa cudur aad u kala fogeeya dadka;
 
2. Arrinka labaad waa fallisaad badeecad iyadoo qof loogu daneynayo in qiimaha looga kordhiyo ama looga yareeyo, tusaale ahaan, wuxuu ku kordhinayaa alaab la naadinayo qiimaha isagoon iibsanayn ee doonaya in qiimuhu u kordho qofka alaabta iska leh;
 
3. Waa carada, lyaduna waa waxyaalaha dadka isku dira,maxaa yeelay, laba qof oo isu careysan waxba wada qabsan maayaan marka waa in carada laga xoroobo, haddii la caroodana waa in laga soo noqdo oo aan qalbiga lagu haysan;
 
4. Waa inaan dhabarka leysu duwin oo aan la kala jeesan, marka laba qof oo caloosha wax isugu haya iska hor-yimaadaan, isma arki karaan, wejiganan isma siin karaan, markaasay kala jeestaan, haddey iska hor-yimaadaan, marka laba qof oo aan is-arki karayn siday wax u wada qabsan karaan? Xadiis kale, wuxuu Nebiga (s.c,w.) ku sheegay inaanay bannaaneyn in laba qof oo Muslim ah saddex maalmood wax ka badan dudmo ku kala magnaadaan, waxaana kheyr roon labadooda midka salaanta ku hor billaaba kan kale. Sida runta ah kaasaa geesisan oo ka dadnimo roon, maxaa yeelay, waa nin naftiisa uur-xumadu ka buuxday ka adkaaday oo ka gudbay derbigii sharta ahaa ee sheydaanku ku kala ooday labada qof ee walaalaha ah.
 
5. Inaan qaarkiin qaarka kale ka kor iibsan badeecadda. Tusaale ahaan, wuxuu u imaanayaa laba qof oo wax kala iibsanaya, markaasuu mid u il-jibinayaa ama hoos kala hadlayaa, isagoo leh, anigaa intaa ka badan kaaga iibsanaya, ama anigaa intaa in ka jaban kugu siinaaya iwm; 
 
6. Arrinka lixaad waa dulmiga, umana bannaana qof muslim ah in uu kula kaco gardarro iyo dulmi walaalkii;
 
7. Muslimku ma hoojiyo walaalki markuu arko isagoo ciriiri ku jira waa in uu gacan ku siiyo siduu uga bixi lahaa, ma aha in uu ku ceebeeyo ama ku wiirsado. Marka hadduu la kulmo qof Muslim ah oo cadow gacanta ugu jira waa in uu ka furto,haddii awooddiisu gaarsiiso nooc kastaba ha noqdee cadowgaas; Cadow gaal ah, cadow gaaja ah, cadow jirro ah, cadow jahli ah, cadow deyn ah iwm.
 
8. Arrinka siddeedaad waa inaanu beeneyn. Qofka muslimka ah uma bannaana in uu ku dhaho qofka kale been baad sheegeysaa ama beenaale ayaad tahay, maxaa yeelay, qofka aad sidaa ula hadashid waa coloobeysaan, taasina waa wax islaamku la dagaallamayo marka ma bannaana ficil dadka muslimiinta ah cadaawo dhex dhigaya;
 
9. Arrinka sagaalaad waa is-quursiga ama isyasidda. Qof na uma bannaana in uu walaalkii quursado, maxaa yeelay, qofkaad quursatid waa qof aad iska sarreysiisid, waxaana laga yaabaa inaad ka xoolo roon tahay ama aad ka aqoon badan tahay, laakiin, ogow Ilaahii ku siiyey adiga waxaan walaalkaa haysan, waa yeeli karaa in uu isku kiin beddelo, ama wax ka khayr roon waxa aad ku faaneyso in isagana la siiyo. Marka is-quursigu waa jirrooyinka ugu daran ee dadka isku dira, sababtoo ah haddii qofku dareemo inaad iska sarreysiinayso, wuxuu kuu qaadayaa cadawnimo, waxaanu ku dadaalayaa siduu kuu boqno goyn lahaa.
 
Waxaa lagu caddeeyey xadiiskan haddii qofku aanu dembi kale lahayn oon quursiga dadka ahayn waa ugu filan yahay ciqaab. Wuxuu Nebiga (s.c.w.), amray in ay dadku noqdaan addoomo llaahay oo walaalo ah. Wuxuu Nebigu tilmaamay in arrimaha laga xaaraantinimeeyey muslimka ay qalbiga madoobeeyaan marka waa in qalbiga laga saafi yeelo arrimahaas foosha xun. Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.), Taqwado waa halkaan isagoo saddex jeer farta ku fiiqay laabtiisa, marka saldhigga laga dhowrayo fulinta sharciga waa qalbiga, horayna waxaa innagu soo maray in haddii qalbigu hagaago jirka intiisa kalena hagaageyso. Ugu dambeystii waxaa laga xaaraantinimeeyey qof kasta oo muslim ah in uu daadiyo dhiig muslim ama dhaco xoolo muslim ama ku xad-gudbo sharafta qof ka muslimka ah iyo xiladiisa.
 
FAA'IIDADA XADIISKA
 
1. Wuxuu reebay wax allaale wixii kala geynaya ama isku diraya xubnaha bulshada;
2. Wuxuu reebay in laysku falliso badeecadda, iyadoo loogu danaynayo qof kale;
3. Waxaa la xaaraantinimeeyey kala jeedsiga iyo isu dhabar jeedinta;
4. Waxaa la reebay in badeecadda la iska hor iibsado 
5. Waxaa la reebay dulmiga dhammaantiis;
6. Waxaa la reebay is-hoojinta marka qofku ciriiriga ku jiro;
7. Ma bannaan in lagu yiraahdo qof muslim ah been baad sheegtay;
8. Waxaa la reebay carada;
9. Waxaa la reebay is-quurisga;
10. Waxaa la xaaraantinimeeyey daadinta dhiigga qofka muslimka ama ku xad gudubka xoolihiisa, iyo xiladiisa;
11. Wuxuu amray nebigu (SCW) muslimiinta in walaalo isu noqdaan oo leys xaq dhowro.
12. Sida lslaamka ugu dadaalaayo daryelidda iyo iskaashiga bulshada.

Friday, 8 February 2019

Asc asxpta


Waa kuma Saxaabigii Shinnidu Difaacday?

Maxaad ka taqaanaa Saxaabigii Shinnidu Difaacda?
Saxaabiga Caasim ibnu Thaabit oo ahaa nin reer ansaareed ah, wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar iyo Uxudba. Dagaalkii Uxud wuxuu ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa oo uu dhalay ninka la dhaho Dalxa ibnu Dalxa. Labada wiil hooyadeed oo ahayd reer Makkah ayaa nadar ku gashay inay u aargudo wiilasheeda, waxayna ku nadartay in madaxa Caasim ibnu Thaabit ku cabto khamiriga, cidii u keenta madixiisana ay siinayso boqol halaad oo geela.
Sanadkii afaraad ee hijriyada waxa usoo wafdiyey nabiga scw koox kamida qabiilka Cudal iyo Qaara, waxayna kooxdani nabiga u sheegeen in qabiilkooda dad ka islaameen oo ayna u baahanyihiin dad saxaabada ah oo soo bara diinta Islaamka. Nabigu scw kooxdaas wuxuu ku daray toban nin oo uu hogaaminayo Caasim ibnu Thaamit oo uuna ku jiro Khubaab ibnu Cadiyy.
Saxaabadii iyo kooxdii way is raaceen, markii ay gaadheen deegaanka Rajiix ayey kooxdii lasocotay saxaabadu ay umaleegta saxaabada shirqool waxayna u habarwacdeen qabiiladoodii, kadibna saxaabadii ayaa lasoo hareereeyey, ayagiina buur ayey fuuleen. Nimankii Carbeed ee shirqoolka maleegay ayaa hadana uballanqaaday inaanay dilayn haday is dhiibaan, kadibna sadex kamid ah ayaa isasoo dhiibay hase ahaatee hadana mar laabaad ayey ballan buriyeen carabtii, waxayna laba kamida saxaabadaas u gacan galiyeen reer Qureesh si ay ugu dilaan ragii lagu dilay dagaalkii Badar, ninkii sadexaadna wuu dagaalamay waanay dileen.
Ragii kale ee buurta ku hadhay ayagana waa lala dagaalamay wayna dileen, ragaas waxa kamid ahaa Caasim ibnu Thaabit, isaguna wuu dagaalamay balse falaadhihii iyo leebabkii ayaa ka dhamaaday, markii uu arkay in la dilayo ayuu Alle baryey oo uu dhahay: “Ilaahayow sida aan u difaacayey diintaada galnkii hore adiguna jidhkayga u difaac galinka danbe”
Caasim waa la dilay, waxayna gaaladii doontay inay madaxa ka gooyaan si ay u helaan abaalmarkii boqolka halaad, balse waxa Alle usoo diray maydkii Caasim shini ku xomtay jidhkii saxaabigaas, markaasay carabtii tidhi: Galinka danbe ayaan usoo laabanaynaa.
Nimankii Carbeed markay soo laabteen waxay waayeen maydkii Caasim, mise waxa yimid roob waxaana maydkiisii qaaday daad roobkaasi watay, waana la garan waayey meesha uu aaday Caasim, sidii Caasim u difaacay diintii Allah ayaa Allena udifaacay jidhkiisii markii uu dhintay.

Wednesday, 6 February 2019

Taariikhdii Cumar ibnu Khadaab Alfaaruuq Qeybtii 1 aad

Taariikhdii Cumar Alfaaruuq

Silsiladan waxaan kusoo bandhigaynaa taariikh nololeedkii saxaabigii Rasuulka ee ugu khayrka badnaa marka laga yimaado Abubakar iyo nabiyada Ilaahay, waa Cumar ibnu Khadaab, waxaan ka hadli doonaa qaybo kala duwan oo noloshiisa ah, xilligii Jaahiliga iyo Cumar, markuu Islaamay iyo noloshiisii markuu nabigu noolaa, khilaafadii Abubakar iyo isagu markuu xilka u qabtay Muslimiinta, geeridiisi iyo fadligiisiiba.

Magaciisa, nasabkiisa, iyo naanaysihiisa

Magiciisu waa Cumar ibnu Khadaab ibnu Nufayl ibnu Cabdialcuzaa ibnu Rayaax ibnu Cabdilaahi ibnu Qurad ibnu Razaax ibnu Cadiyy ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Qaalib oo ahaa reer Qureesheed. Wuxuu nabiga kula kulmaan abtirsiintiisa odayga la dhaho Kacab ibnu Lu’ayy. Waxa Cumar lagu kunyeeyaa Abaxafsa (Aabihii Xafsa), naanaystiisuna waa Faaruuq.

Dhalashadiisa iyo Qaabkii uu ekaa:

Cumar wuxuu dhashay sadex iyo toban sanadood kadib sanadkii Maroodiga, sidaas awgeed nabiga wuxuu ka yaraa sadex iyo toban sanadood.
Cumar wuxuu ahhaa nin cad, oo timihiisa, maqaarkiisa iyo indhihiisuba ay cadaayeen balse wuxuu lahaa waxoogaa casuus yar, wuxuu lahaa dhabano qurxoon, san iyo indho wanaagsan. Gacmihiisu iyo lugihiisu waxay ahaayeen kuwo adag, wuxuu lahaa jidh is haysta, wuxuu ahaa nin dheer oo bidaar leh. Dadku waxay u malayn jireen in Cumar uu saaran yahay faraskiisa dhererkiisa awgeed, wuxuu ahaa sidoo kale nin xoog wayn, wuxuuna timihiisa marin jiray xinne, wuxuu lahaa shaarubo, markuu soconayo wuu dheerayn jiray, markuu hadlana wuu maqashiin jiray, markuu wax garaacayana wuu xanuujin jiray.

Qoyskii Cumar ibnu Khadaab:

Cumar aabihii waa Khadaab ibnu Noofal wuxuu ahaa nin adag oo qalafsan, halka awoowgii Nufayl ibnu Cabdialcuzaa uu ka ahaa xaakimkii kala xukumi jiray reer Qureesheed xilligii uu noolaa. Cumar hooyadii waxa la dhihi jiray Xantama bintu Haashim ibnu Muqiirah, waxa la yidhi Abujahal ayey gabadhaasi la dhalatay, halka culumo kale ay leeyihiin waxay ahaayeen ilmaadeer, sidaas awgeed Abujahal wuxuu Cumar u ahaa  abti.

Xaasaskiisii iyo Caruurtiisii:

  1. Zaynab bintu Madcuun oo la dhalatay saxaabigii Cusmaan ibnu Madcuun, waxa guursaday Cumar xilligii jaahiliga waxayna u dhashay Cabdilaahi, Cabdiraxmaanka wayn iyo Xafsa.
  2. Maliika bintu Jaruul: waxay u dhashay Cubaydillaahi, waanu furay gabadhan xilligii heshiiskii xudaybiya.
  3. Qariina bintu Abii Umaya: gabadhana way kala tageen.
  4. Umu Xakiim bintu Alxaarith ibnu Hishaam, wuxuu guursaday markii ninkeedii Cikrama ibnu Abujahal uu ka dhintay, waxayna u dhashay Faadima bintu Cumar.
  5. Jamiila bintu Alcaasim oo ayaduna reer Aws ahayd.
  6. Caatika bintu Zayid oo Cabdilaahi ibnu Abubakar uu ka dhintay, waxaana la dhahaa waxay u dhashay wiilkiisa Cayaadh.
  7. Umu Kalthuum bintu Cali ibnu Abudaalib oo ay Faadima  dhashay waxa guursaday Cumar ibnu Khadaab, waxayna u dhashay Zayid iyo Ruqaya. Markii hore wuxuu rabay inuu guursado Umu Kalthuum bintu Abibakar hase ahaatee way diiday guurkiisa kadibna Camru ibnu Alcaas ayaa u tilmaamay inuu guursado dhashii nabiga ee Umu Kalthuum bintu Cali Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodbee.
Guud ahaan ubadka Cumar ibnu Khadaab dhalay waa 13 caruura, waxayna kala yihiin: Zayidka Wayn, Zayidka Yar, Caasim, Cabdilaahi, Cabdiraxmaanka Wayn, Cabdiraxmaanka dhexe, Cabdiraxmaanka Yar, Cayaadh, Xafsa, Ruqayya, Zaynab iyo Faadima.

Noloshiisii xilligii Jaahilga:

Cumar wuxuu kusoo barbaaray carabtii jaahiliga ahayd, hadan wuxuu dhalinyarada kaga soocnaa inuu bartay wax akhrinta iyo qoraalkaba, sidoo kale wuxuu aabihii u raaci jiray geela, wuxuuna tilmaamay Cumar in aabihii uu ahaa nin adag oo qallafsan kaasoo dili jiray haduu dayaco geela, sidoo kale geela wuxuu u raaci jiray habaryarihii oo ahaa reer bani Makhsuum, waa mid kamida qabiiladii ugu waawaynaa ee reer Qureesh, waana qoyska uu kasoo jeedo Khaalid ibnu Waliid iyo Abujahalba.
Cumar ilaahay raali haka ahaadee waxa kale oo dhisi jiray jidhkiisa isagoo ahaa nin lagdamaaya, waxa kale oo uu bartay yaraantiisii fardofuulnimada iyo gabaygaba.
Dhanka kale Cumar wuuxu iman jiray suuqyadii Carabta ee Cukaad, Jannah iyo Dil Xijaaz halkaas oo uu ka ganacsan jriay, wuxuuna baayacmushtar ugu safray dhulalka Shaam iyo Yaman.
Cumar wuxuu reer Qureesheed u qaabilsanaa xilligii jaahiliga safaarada qabiilkiisa isagoo loo diri jiray qabiilada kale ee ay reer Qureesh is qabsadaan, wuxuuna halkaas ka dhaxlay khibrada xaakimnimada oo uu awoowgii ku caan ahaa.

Islaamnimadii Cumar:

Cumar wuxuu kamid ahaa dadkii dhibka u gaysan jiray muslimiintii tamarta yaraa ee xilligaas Islaamay. Maalin siduu u garaacayey gabadh yar oo muslimtay ayuu Cumar daalay, kadibna waxa arkay Abubakar oo gabadhii iibsaday oo u xoreeyey dar Ilaahay.
Umu Cabdilaahi bintu Xantamah waxay tidhi: Markaan rabnay inaan u hijroon dhulka Xabashida ayaa nikaygii baxay si usoo fuliyo xaajooyinkiisa, kadibna waxa iga horyimid Cumar ibnu Khadaab, markaasuu igu dhahay: Xagaad ku socotaan Umu Cabdilaahiyeey? Waxay tidhi: waxaan ku dhahay: Waad na dhibteen, waxaanan u hijroonayna dhulka Ilaahay, markaasuu Cuamr yidhi: Ilaahay maciina ha ahaado.
Arrintaas ayey Umu Cabdilaahi ka dareentay dabacsanaantii Cumar ibnu Khadaab, waxayna u sheegtay ninkeedii markuu yimid, markaasuu ninkii ku dhahay: Ma waxaad u malaynaysaa in Cumar islaamayo? Waxay tidhi: Haa, wuxuu yidhi: Isagu islaamimaayo illamaa uu ka islaamo dameerka Khadaab!!
Dhanka kale maalin maalmaha kamida ayuu Rasuulii Ilaahay ku ducaystay in Ilaahay islaamka ku xoojiyo labada Cumar wuxuuna dhahay: “Ilaahayo waxaad islaamka ku xoojisaa labada Cumar ka aad jeceshahay” Labada Cumarna waa Cumar ibnu Khadaab iyo Cumar ibnu Hishaam oo ahaa Abujahal.

Go’aankiisii aha inuu dilo Rasuulkii Ilaahay:

Reer Qureesheed ayaa shiray waxay go’aamiyeen inay dilaan Muxamed, waxaana hawshaas loo xilsaaray Cumar ibnu Khadaab, kadibna Cumar waa soo baxay isagoo ku jeeniqaaran hubkiisii iyo seeftit, waxaana kahor yimid Nucaym ibnu Cabdilaahi, oo ku dhahay: Cumarow xagaad ku socotaa? Wuxuu yidhi: Waxaan raadinayaa ninkan badalay diintayada ee ceebeeyey Ilaahayadayad, markaasuu Nuacaym yihdi: hadaad dishid adigu xagaad ka galaysaa reer bani Cabdimanaaf? Wuxuu dhahay Cumar: Adigaaba diinta badalay saw maaaha! Dabadeedna labadii nin way wada doodeen, kadibna Nucaym ayaa dhahay: Hadaad cid wax ka qabanaysid, maxaad wax uga qabanwayday walaashaa Faadima iyo saygeedii Saciid oo ayaguna diinta badlay? Cumar intuu cadhooday ayuu aaday gurigii walaashii.
Cumar markuu guriga usoo dhowaa ayuu maqlay codka dadka subcinaya, markaasuu xoog u garaacay albaabka, waxayna dhaheen Waa kuma? wuxuu dhahay: Waa Aniga, Cumar! kadibna Khubayb ibnu Arat oo kamid ahaa saxaabadii tamarta yaraa xilligaas oo joogay guria ayaa dhuuntay, waxa furay albaabkii Saciid ibnu Zayid, markaasuu Cumar dhahay: Muxuu ahaa codkii aan maqlaayey? waxay dhaheen waa hadalkayagii. Wuxuu yidhi: Waa badasheen diintiinii saw maaha, markaasuu Saciid yidhi: Kawaran hadii aan xaqu dhankaaga ahayn Cumarow, dabadeedn Cumar wuxuu ku bilaabay Saciid dagaal waan lagday isagoo caloosha kaga fadhiistay, waxa is tidhi ka qabo walaashiis Faadima, kadibna dhirbaaxo ayuu Cumar wajiga kaga dhuftay, waxaana ka yimid dhiig wajigeeda, markaasay tidhi Faadima: “Anagaa rumayna Ilaahay kalidiisa iyo inuu Muxamed yahay Rasuulkiisii.
Cumar markuu arkay dhiiga walaashiis ayuu u qalbi jilcay wuxuuna dhahay: Ii dhiib saxiifada, waxay ku tidhi: daahir ma tihid ee soo qubayso, waanu qubaystay markaasuu akhriyey suurada Daaha.
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
طه ﴿١ مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَىٰ ﴿٢ إِلَّا تَذْكِرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ ﴿٣ تَنزِيلًا مِّمَّنْ خَلَقَ الْأَرْضَ وَالسَّمَاوَاتِ الْعُلَى ﴿٤الرَّحْمَـٰنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَىٰ ﴿٥ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ الثَّرَىٰ ﴿٦ وَإِن تَجْهَرْ بِالْقَوْلِ فَإِنَّهُ يَعْلَمُ السِّرَّ وَأَخْفَى ﴿٧ اللَّـهُ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ﴿٨
Markuu Cumar Quraanka akhriyey ayuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, Ilaaha sifooyinkan leh xaq ayuu uleeyahay in la caabudo, wuxuuna yidhi: itusa Muxamed waan islaamayaaye.
Markuu sidaas dhahay ayaa waxa soo baxay Khabaab ibnu Arat oo yidhi: Bishaaroyso Cumaro, isniintii ayuu nabigu lahaa: “Ilaahow, waxaad Islaamka ku xoojisaa labada Cumar ka aad jeceshahay” ee Ilaahay ayaa ku jecel ee ku bishaaroyso.
Cumar wuu soo baxay wuxuuna yimid qolkii ay ku jireen nabiga (scw) iyo saxaabadiisii, waxaana qolka joogay Xamse ibnu Cadimudallib oo sadex maalmood kahor soo islaamay, markuu Cumar albaabka garaacay ayey dhaheen: Waa Cumar oo seef sita! Markaasuu Xamse yidhi: “ka fura haduu shar uyimid seeftiisaan ku dilaynaa, haduu khayr u yimidna waan ari”
Hase ahaatee Rasuulka ayaa ka furay oo qabtay guntintiisa iyo seeftiisaba kuna dhahay: “Ibnu Khadaabow maad jojin dhibka intaanu Ilaahay kugusoo rogin qaarico” Dabadeedna Cumar ayaa dhahay: “Waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inaanu jirin Ilaahay mooyee, Muxamedna uu yahay Rasuulkiisii” Markaasuu Rasuulku takbiirtay, kolkii ay saxaabadu maqashay takbiirtii Rasuulka ayey fahmeen Islaamnimadii Cumar, ayagiina way takbiirteen, wayna farxeen ayagoo ogaaday inuu maanta Islaamkii helay cid u gargaarta.
Markuu Cumar islaamay ayuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow miyaanan xaq ku suganayn? wuxuu yidhi Rasuulku (scw): Haa, ilaahbaan ku dhaartee hadaad dhimataan iyo hadaad noolaataanba, markaasuu Cumar yidhi: Hadaa maxaan isla qarinaynaa, aynu iclaamino islaamka.
Kadibna maalintaa saxaabdii ayaa soo baxsay ayagoo laba saf ah oo ay kala hogaaminayaan Xamse iyo Cumar waxayna tageen kacbada, halkaasbayn ku tukadeen oo ku dawaafee, dabadeedna rasuulka ayaa Cumar u bixiyey maalintaa Alfaaruuq.
Cumar wuxuu iclaamiyey islaamnimadiisa, wuxuuna tagay gurigii abtigii Abujahal, wuxuuna ku garaacay albaabka wuxuuna ku dhahay: Ma ogtahay inaan islaamay? Markaasuu Abujahal yidhi: ha yeelin sidaas, wuxuu dhahay: Cumar waan yeelay. Kadibna intuu Abujahal wajigiisii is badalay ayuu xoog kusoo xidhay albaabkii.
Sidoo kale odoyaashii dhibka badnaa ee reer Qureesheed ayuu guryahooda tagay isagoo u sheegaya inuu islaamay, illamaa uu markii danbe u tagay ninka Qureesh u qaabilsanaa wariyanimada oo qaylo dheeraa lana dhaho, Jamiil ibnu Mucamar Aljumaxii, wuxuna ku dhahay: jamiiloow waan islaamay, markaasuu Jamiil orday isagoo qaylinaya oo leh: “Cumar ayaa badalay diintii” isna uu ka daba leeyahay, maan badalin ee waan islaamay.
Cumar wuxuu u tagay goloyaashii reer Qureesheed, waxayna islaynayeen illamaa qorraxdii ka dhacaysay oo ninka la dhaho Caas ibnu Waa’il ayaa kasoo gaadhay oo ka celiyey reer Qureesheed isagoo leh: Hadaad ninkan dishaan xagaad ka galaysaan reer bani Cadiyy.

Saamaytii Islaamnimadiisu ku lahayd Islaamka:

Cabdilaahi ibnu Mascuud wuxuu dhahy: Kamaanaan suulin sharaf iyo xoog tan iyo markuu Cumar islaamay, manaan awoodi jirin inaan dawaafno kacbada illamaa uu Cumar ka islaamay.
Waxa kale oo uu dhahay: Cumar islmaanimadiisu waxay ahayd furasho, hijradiisuna guul, madaxtnimadiisuna naxariis.
Suhaybna wuxuu dhahay: Markuu Cumar islaamay waxa la iclaamiyey islaamnimadii, waxaana dadka loogu yaboohay si kor ah, waxaanan kacbada u fadhiisanay xalqado..
Cumar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu islaamay sanadkii lixaad ee soo dirista nabiga, wuxuuna ahaa ninkii 39 aad ee islaama, halak culumadu ay leeyihiin waxa kale oo jiray 11 dumar iyo dad kale oo aanu Cumar xilligaas garanayn, markuu islaamayna cimrigiisu wuxuu ahaa 27 sano jir.

Hijradii Cumar ibnu Khadaab:

Markuu Cumar hijrooday wuxuu u bandhigay hijradiisa carabtii reer Qureesh isagoo ku dhahay: “Wajiyadiinu gubtee, ninkii raba in hooyadii goblanto, caruurtiisuna ay agoomowdo, xaaskiisuna ay garoob noqoto, aniga ha iigu yimaado togaas dabadiisa” Cumar waa baxay cidina kamay daba imanin.
Cumar waxa sii raacay 20 qof oo ahaa dadkii tamarta yaraa waxaana kamid ahaa walaalkii Zayid ibnu Khadaab, Camru ibnu Suraaqah, Cabdilaahi ibnu Suraaqah, Khunays ibnu Xudaafah oo ahaa wiilkii qabay inatii Cumar dhalay ee Xafsa, inaaderkii Saciid ibnu Zayid ahaana seedigii, Waaqid ibnu Cabdilaahi, Khawla ibnu Abi khawlaa, Maalik ibnu Abikhawlaa, Iyaas, Khaalid, Caaqil iyo Caamri, waxayna ku dagaan Quba, gaar ahaan ninka la dhaho Rufaaca ibnu Caamir.

Qisadii Cumar saaxiibadii:

Cumar waxay ballansanaayee inay wad hijrodaan laba nin oo ay saaxiibo ahaayeen waana Cayaash ibnu Rabiica iyo Hishaam ibnu Caas ibnu Waa’il, waxayna ku ballameen inay meel tog ah isugu yimaadeen, hadii ruux kamida la waayana uu yahay qofkaasi mid la xabisay. Dabcan waxa goobtii yimid Cumar iyo Cayaash, waxaana la xabisay Hishaam.
Cayaash waxay xaga hooyo kala walaalo ahaayee Abujahal iyo Xaarith ibnu Hishaam, dabadeena labada nin ayaa kasoo baxay Makkah ayagoo raba inay soo celiyaan Cayaash. Waxay yimaadeen Madiina waxayna la kulmeen Cayaash waxayna ku dhaheen: “Cayaashow hooyadaa waxay ku nadartay inaanay bacadka ka kacayn sidoo kale aanay timaheeda feedhayn intuu Cayaasha kasoo laabanayo mooye” Cayaash wuu rumaystay, markaas ayuu Cumar ku dhahay: “Ha raacin labada nin Cayaashow, hadii hooyadaa ay iska dayso feedhashada ayadaa qasab ku feedhan marka injirtu timaheeda gasho, bacadkana way ka kici markay kuleylka dareento” Balse Cayaash waa diiday oo wuxuu ku adkaystay inuu raaco labadii nin, kadibna Cumar ayaa ku dhahay: Hadaba waxaad kaxaysataa Awrkaygan oo hadii aad dareento khiyaano kagasoo baxso nimanka”
Cayaash wuxuu soo raacay labadii nin, balse Abujahal ayaa intii jidka lagu jiray ku dhahay: Cayaashow walaal awrkaygiibaa gaabiyey ee ii fadhiisi awrkaaga aan kula fuulee, kadibna intuu soo fuulay ayuu ninkii qabtay, waana la xidhay oo la geeyey Makkah, waana la fitneeyey oo wuxuuna ajiibay fitnadiis.
Mudo kadib ayuu Cumar warqad u diray saaxiibkii isagoo ku leh: Akhriso aayad ku taala warqadan, oo dib ugasoo laabo fitnadii gaalnimada ahayd, aayaduna waxay ahayd aayada uu Ilaahay ku qeexayo inuu dhaafayo dhamaan danbiyada haduu adoonku toobad keeno.

Cumar ibnu Khadaab iyo Quraanka oo waafaqay aragtidiisa:

Cumar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ku caan ahaa in aayado badan soo dageen oo waafaqaya aragtidiisa, waxaana kamid ahaa:
  • Markii haweenkii nabiga (scw) ay dhibeen Rasuulka ayuu Cumar u tagay oo wuuxu ku dhahay: Hadaydaan dhibka joojin wuxuu Ilaahay idinku badalayaa dumar idinka khayr badan, waxaana soo dagtay aayad waafqasan hadalkaas:
عَسَىٰ رَبُّهُ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبْدِلَهُ أَزْوَاجًا خَيْرًا مِّنكُنَّ مُسْلِمَاتٍ مُّؤْمِنَاتٍ قَانِتَاتٍ تَائِبَاتٍ عَابِدَاتٍ سَائِحَاتٍ ثَيِّبَاتٍ وَأَبْكَارًا ﴿٥
“Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, Mu’miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda, Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.” [Suuratu Taxriim:5]
  • Markii la qafaashay maxaabiistii Badar wuxuu Cumar dhahay: Rasuulkii Ilaahayow aynu gaaladan layno si ay u ogaadaan inaanan wax naxariisa gaalnimad a haynin, waxaana soo dagtay aayadan oo waafaqsan aragtidiisii:
مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُ أَسْرَىٰ حَتَّىٰ يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ ۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ الدُّنْيَا وَاللَّـهُ يُرِيدُ الْآخِرَةَ ۗ وَاللَّـهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ﴿٦٧
“Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga Jilciyo Dhulka Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni Aakhiro Eebana waa Adkaade Falsan.” [suuratu Al-anfaal:67]
  • Waxa kale oo Cumar uu ku ducaystay inuu Ilaahay war kasoo dajiyo xilliyada cawrada ah ee aan la isasoo booqan, waxaana soo dagtay aayadan oo waafaqsan aragtidiisii:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لِيَسْتَأْذِنكُمُ الَّذِينَ مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ وَالَّذِينَ لَمْ يَبْلُغُوا الْحُلُمَ مِنكُمْ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ ۚ مِّن قَبْلِ صَلَاةِ الْفَجْرِ وَحِينَ تَضَعُونَ ثِيَابَكُم مِّنَ الظَّهِيرَةِ وَمِن بَعْدِ صَلَاةِ الْعِشَاءِ ۚ ثَلَاثُ عَوْرَاتٍ لَّكُمْ ۚ
“Kuwa Xaqa Rumeeyow Haydin Idan Warsadeen kuway Hanatay Gacantiinnu, iyo Kuwaan Qaan Gaadhin oo Idinka Mid ah Saddex Jeer, Salaadda Subax ka Hor iyo Markaad iska Dhigtaan Dharka Duhurkii, iyo Salaadda Cishaha ka Dib, waa Seddex Waqti oo Cawro ah «la Nasto», ..” [Suuratu Annuur:58]
  • Waxa kale oo Cumar u yimid nin Yahuudiya oo ku dhahay: aayad Quraanka ku jirta, haday anaga nagusoo dagi lahayd waxaan ka dhigan lahayn Ciid, wuxuu yidhi Cumar : waa aayadee? wuxuu dhahay: waa aayada 3 aad ee suurada Maa’ida, wuxuu dhahay: waanu garanaynaa xilligii ay soo dagtay, waa maalin Carafo oo ku beegnayd Jimce..
الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا

Cilmiga Cumar ibnu Khadaab:

Cumar wuxuu ahaa nin cilmi iyo aqoon Ilaahay siiyey, wuxuuna nabigu arkay riyo isagoo cabaya caano kadibna caanihii ayuu ka dhargay, oo waxay caanihii kasoo baxeen cidiyihiisa, markaasuu badhkii soo hadhay ayuu Cumar u dhiibay, markaasay saxaabadii tidhi: Maxaad ku fasirtay Rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: waa Cilmiga.

Qisadii Odayga iyo Wiilka JaaduAllah Al-Quraani

Walaalayaal, asalaama calaykum, nabadgalyo korkiina ha ahaato, waxaynaan ku sallinaynaa xabiibkeena Muxamed (scw). Walaalayaal qiso cajiiba oo lagu cibro qaato ayaan idiin soo bandhigaynaa, sida ay Culumo lagu kalsoonyahay naga soo gaadhay.
Walaalayaal, waxa dalka France ku noolaa, oday waayeela oo la dhaho Shiikh Ibraahim, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Turkiga. Walaalayaal, odaygaas wuxuu lahaa dukaan uu ku iibiyo badeecadaha kala duwan, waxaana dukaanka la jaar ahaa will yar oo Yahuudiya una dhashay dalka Faransiiska. Wiilkaasi wuxuu ka adeegan jiray dukaanka, kolka uu dhamaysto adeegiisa ayuu maalin kasta xadi jiray xabad nacnac ah, ama xabad Shukulaat ah.
Odayga Shiikh Ibraahim wuu arki jiray maalin kasta, hadan wuu ka aamusi jiray, dabadeedna maalin ayuu wiilkii soo galay dukaankii oo ilaaway inuu qaato xabad nacnac ah. Kadibna odaygii ayaa wiilkii la hadlay oo ku dhahay; “Maanta wiilkaygoow, waxaad halmaantay xabadii nacnaca ahayd” Wiilkii wuu cabsaday, wuxuu ogaaday inuu maalinkasta odaygu arki jiray. Dabadeedna odaygii wuxuu yidhi; ” Wiilkaygoow, waxaad ii ballan qaadaa inaad iska daynayso tuugnimada, aniguna waxaan kuu ballan qaadayaa inaanan ku fashilinin, sidoo kalena maalinkasta waxaan ku siinayaa xabad nacnac ah” Wiilkii oo magaciisu ahaa Chad wuu farxay, wuxuuna dareemay la dhaqanka wanaagsan ee odayga.
Wiilkii ayaa la saaxiibay odaygii Shiikh Ibraahim, wuxuuna u iman jiray markasta oo wiilku mushkilad kahortimaadoba, kadibna odayga ayuu waydiisanjiray xalka mushkiladaas. Odaygu intuu soo qaado sanduuq ayuu kasoo saaraa kitaab, kadibna wuxuu dhahaa, kitaabkan laba safxadood oo kamid ah dooro, kolka wiilku laba safxadood ka doorto ayuu odaygu u turjumaa macnaha, kadibna wiilka mushkiladii haysatay wuxuu xalkeeda ka helaa labadaas safxadood.Maalinkasta oo wiilkii mushkilad ku habsataba wuxuu u imanayey odayga, wuxuuna odaygu u kala furayey kitaabka, sidaasbaanu xalka mushkiladiisa ku helayey.
Mudo markii laga soo wareegay ayaa waxa xanuustay odaygii, waxaana la dhigay cusbitaalka kadibna caruurtiisii ayuu u dardaarmay in sanduuqa dukaanka yaala la siiyoo wiilka Chad la dhaho. Odaygii wuu geeriyooday, kadibna wiilkii ayaa maqlay geeridii odayga, wuxuuna yimid guriga isagoo u tacsiyeynaya. Wiilashii uu odaygii Sh Ibraahim dhalay ayaa siiyey hadyadii aabahood uga tagay wiilkii Chad.
Wiilkii Faransiiska ahaa wuu farxay, isagoo is lahaa waxaad heshay khasnadii uu odaygii Ibraahim ku xallin jiray mushkiladaada. Maalintii danbe ayuu wiilkii mushkilad qabsatay kolkaasbuu u yeedhay wiil reer Tuunisiya ahaa oo yaqaana afka Carabiga iyo Faransiiska, wuxuuna yidhi bal hada ii turjum labadaas safxadood. Wiilkii Tuunisaga ahaa ayaa u turjumay, markaasuu wiilkii Faransiiska ahaana uu helay xalkii mushkilada.
Wiilkii ayaa saaxiibkiisa Tuunisiga ahaa waydiiye kitaabkan wuxuu yahay, wuxuuna yidhi saaxiibkii; “Kitaabkani waa Quraanka Kariimka ah, oo muqadas u ah muslimiinta, waana hadalkii Ilaahay. Wiilkii waxa kale oo uu sanduuqii ka helay warqad ay ku qorantahay aayad Quraana:
قُلْ هَـٰذِهِ سَبِيلِي أَدْعُو إِلَى اللَّـهِ ۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا وَمَنِ اتَّبَعَنِي ۖ وَسُبْحَانَ اللَّـهِ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ ﴿١٠٨
Dheh tan waa waddadayda (xaqa ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Alllaaah anoo ku sugan xujo cad aniga iyo inta i raacda, Waxaana nasahay Allah, kamidna ma ihi Mushrikiinta. [Yuusuf (108)]
Wiilkii aayadan ayuu micnaheeda fahmay, kadibna wuu islaamay. Kolkuu islaamay ayuu diinta Ilaahay ugu yeedhay dadkii aan muslimiinta ahayn. Wiilkii magaciisa wuxuu u badalay JadaAllah al-quraani.
Waxa gacantiisa kusoo islaamay ku dhowaad Lix kun oo qof, oo jooga dalka Faransiiska. Kadibna wuxuu u safray qaarada Afrika, wuxuuna halkaas joogay 30  sanadood. Ma taqaana inta qof ee gacantiisa kusoo islaamtay? Waa malaayiin, waxa Ilaahay sabab uga dhigay inay soo islaamaan qabiilo dhan, sida qabiilooyinka Zuluga iyo qabiilo dagan Daarfuur. Culumo lagu kalsoonyahay waxay sheegeen, dadka kusoo islaamay gacantiisu waa 6 milyan oo ruux.
SubxaanAllah, wiil yar oo Faransiisa oo asalkiisuna yahay Yahuudi ayaa xanbaaray hamiga diintiisa, wuxuuna Ilaahay idankiis soo islaamiyey malaayiin qof.
Jaadullah, wuxuu geeriyooday 2003 dii, markuu dhintay labo sano kadib ayaa waxa islaamay hooyadii oo mudo badan kula colowday diintiisa Islaamka.

QISADII ASXAABUL UKHDUUD

Waxa jiray boqor ka taliya meesha loo yaqaano Najraan oo imnka ku taala dhulka Sacuudi Arabiya. Boqorkaasi waxa uu lahaa nin saaxir ah (faaliye), kadib ninkii faaliyaha ahaa ayaa da’diisii waynaatay markaasuu boqorkii ku yidhi:- ”Boqorow waayeel ayaan noqday, geeridaydiina way soo dhowaatay ee waxaad keentaa wiil yar oo caqli badan oo aan baro sixirka” Boqorkii waa keenay wiilkii yaraa ee caqliga badnaa, waxaanu faaliyihii baray sixirka. Haseahaatee waxa jiray nin Raahiba (wadaad haysta diintii nabi Ciise N.N.K.H) oo mowlac ku lahaa wadada uu sii maro wiilka yar. Wiilkii waxa uu iska ag fadhiistay raahibkii, waxaana cajab galisay hadalka raahibka waanu ka helay. Balse marka wiilku faaliyaha u tago ayuu garaacaa oo ku dhahaa xagaad ku habsaantay, marka guriga uu tagana waa la garaacaa oo la dhahaa xagaad ku habsaantay? Kadibna wiilkii waxa uu usheegay raahibkii in la garaaco markuu faaliyaha u tago iyo markuu guriga tagoba, dabadeedna Raahibkii ayaa ku yidhi waxaad ku tidhaahdaa faaliyaha markuu ku waydiiyo xagaad ku habsaantay, waxan ku habsamay guriga, hadii ehelkaagu ku waydiiyana ku dheh, waxaan ku habsaamay saaxirka.
Maalintii danbe ayaa magaaladii waxa yimi daabad wayn (Bahal wayn oo laga cabsanayey) waxayna kala xirtay wadadii. Wiilkii yaraa ayaa qaatay dhagax oo yidhi:- ”Ilaahayoow hadii arrinka raahibka agtaada looga jacayl badan yahay arrinka saaxirka, dhagaxan ku dil bahalkan” kadibna dhagaxii ayuu ku tuuray bahalkii waanu dilay, dadkiina way mareen wadadii. Wiilkii arrintii ayuu u sheegay Raahibkii, raahibkiina waxa uu ku yidhi:- Wiilyahaw adigu maanta waad iga fiicantahay, waana lagu imtixaamayaa ee haysoo sheegin.
Wiilkii waxa Eebe (SW) ka muujiyey karaamooyin badan, waxa uu dawayn jiray dadka uu hadalku ku dhagsanayahay, dadka baraska qaba iyo cuduro kale oo badan idinka Eebe (SW). Wiilkii arrintiisii way faaftay oo waxa gaadhay nin ka agdhowaa boqorka oo indho beelay, kadibna inta uu soo qaaday hadyad badan ayuu ku yidhi wiilyahaw i dawee oo indhahaygii iisoo celi. Wiilkii waxa uu yidhi ”Anigu cidna ma daweeyo ee ilaahay ayaa daweeya, hadaadse rumayso waanku barayaa inuu kuu soo celiyo indhahaagii. Kadibna wuu rumeeyey, Eebana indhihii ayuu usoo celiyay. Kadibna meeshii u fadhiisan jiray ayuu ku noqday. Boqorkii ayaa waydiiyey; Yaa kuusoo celiyey indhaha? Ninkii waxa uu yidhi (Ilaahay). Boqorkii waxa uu yidhi :- Ma aniga ayaa kuusoo celiyey? Ninkii waxa uu yidhi; May ee waxa iisoo celiyey Ilaahay iyo Ilaahaaga. Oo ma waxaad leedahay Rabbi aan aniga ahayn? Ninkii waxa uu yidhi;- Haa oo waa Rabbigay iyo Rabbigaa.
Ninkii waa la cadibay ilaa inta uu ka sheegayey wiilkii yaraa, wiilkiina waa la cadibay ilamaayo uu ka sheegay Raahibkii. Kadib raahibkii ayaa lagu dhahay ka noqo diintaada, waanu diiday dabadeedna miishaar ayaa madaxa lagaga qabtay, waxaana loo kala jaray laba qaybood. Indhoolihiina sidoo kale waa lakala jaray. Boqorkii waxa uu ku yidhii ciidankiisii; wiilkan geeya buur dusheed kadibna ku dhaha ka noqo diintaada, haduu diidana buurta ka tuura. Wiilkii waa la kaxeeyey oo la saaray buur sare, markaasuu Eebe (SW) baryay inuu ka kaafiyo, dabadeed buurti ayaa gariirtay oo waxa daatay ciidankii, wiilkiina boqorkii ayuu kusoo noqday. Boqorkii waxa uu ku daray ciidan kale oo uu ku yidhi, geeya badda oo ka tuura doonta haduu ka noqon waayo diinta. Waa la qaaday wiilkii oo la saaray doon, markii la geeyay badda dhexdeeda ayuu Ilaahay baryey inuu ka kaafiyo kuwana, Eebana waa ka kaafiyey kadibna waxa uu kusoo noqday boqorkii waxaanu ku yidhi;- ima dili karaysid ilaa aad amarkayga fuliso, waxaad isugu yeedhaa dadka oodhan kadibna intaad warankan qaado dheh (bismillaah rabbi qulaam) kadibna igu soo gan waranka markaasunbaan dhimanayaa. Boqorkii waxa uu iskugu yeedhay dadkii kadibna warankii ayuu ku ganay wiilkii waxaanu sameeye sidii la faray, Wiilkiina waa dhintay.
Dadkii oo dhan waxay dhaheen waxaan rumaynay Rabbiga wiilka yar. Boqorkii ayaa loo sheegay in wixii uu ka cabsanayey dhaceen, dadkii oo dhamina rumeeyeen Eebe (SW). Boqorkii waxa uu faray ciidankiisii inay qodaan godad kuna shidaan dab iyo holac kadibna ku tuuraan cidii diida inay ka noqoto diinta Islaamka. Kadib dadkii waxay u baratameen dhankii dabka oo isku tuureen godadkii naarta ahaa. Waxa jiray haweenay xanbaarsanayd ilmo yar kadibna waxay u cabsatay cunuga yar, markaasaa Eebe (SW) ka hadliyey ilmihii yaraa waxaanu yidhi ”Hooyoy, samir xaq ayaad ku taagantahay” Qisadan waxa Eebe (SW) ku xusay Quraanka, Suurada Buruuj 1-10.
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ (١) وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ (٢) وَشَاهِدٍ۬ وَمَشۡہُودٍ۬ (٣) قُتِلَ أَصۡحَـٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ (٤) ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ (٥) إِذۡ هُمۡ عَلَيۡہَا قُعُودٌ۬ (٦) وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُہُودٌ۬ (٧) وَمَا نَقَمُواْ مِنۡہُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ (٨) ٱلَّذِى لَهُ ۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ‌ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىۡءٍ۬ شَہِيدٌ (٩) إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَـٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ (١٠
  1. Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
  2. Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
  3. Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
  4. Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu’miniinta lagu cadibo).
  5. Ee ahaa Naar olal (oo shidaal) leh.
  6. Gaaladiina ay korfadhiyeen Godka.
  7. iyagoo daawan waxa lagu fali Mu’miniinta «oo Jirrabaad ah».
  8. Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
  9. Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
  10. Kuwa Mu’miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubis.

شيخ صالح مغامسي


Suaalo..iyo jawaabi

Su aalo iyo jawaabo caqiido  س/ماهو الشرك الاصغر؟ ج/ الشرك الصغر هو الرياء هل يجوز حلف بغير الله؟ ج/لا يجوز الحلف بغير الله س/هل يحتاج ...