Thursday, 31 January 2019

Taariikhdii Saxaabigii Carshiga Raxmaanku u gariiray (Sacad ibnu Mucaad)

Sacad ibnu Mucaad wuxuu ahaa Saxaabadii ugu waaweynayd saxaabada RAsuulka, waxaanu ahaa nin Ansaari ah gaar ahaan jilibkiisu wuxuu ahaa reer ban Cabdiash-hal. Saxaabigan wuxuu ahaa Nin dheer, feedhowayn, midabkiisuna cadaan yahay gadhna leh wuxuu aha nin aad u qurux badan, wuxuuna madax u ahaa qabiilkiisa reer Cabdiash-hal iyo guud ahaan reen Awsba. Saxaabigan hooyadii waxa la odhan jiray Kabsha bintu raafic waxayna ahayd haween muslimad ah sidoo kale xaaskiisa waxa la odhan jiray Hinda bintu Samaaka, waxaana isaga kahor qabay walaalkii Aws ibnu Mucaad, gabadhana way islaamtay caruurna way u dhashay Sacad ibnu Mucaad. Sacad ibnu Mucaad waxa soo islaamiyey safiirkii koowaad ee Islaamka Muscab ibnu Cumayr, kadibna wuxuu Sacad u tagay reerkii uu kasoo jeeday reer bani cabdilsuh.hal, waxaanu yidhi: Hadalkaygu waa idinka xaaraan hadaydaan islaamin, isla markiiba qabiilkiisii waa wada islaamay. Sacad wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar ee uu Allah guusha siiyey Muslimiinta. Sidoo kale dagaalkii Uxudna waa ka qayb galay wuxuuna ahaa isaga iyo Cumar saxaabadii fadhiisatay markay maqleen in Nabigii Ilaahay ee Muxamed la dilay kadibna waxa soo maray saxaabiga Anas ibnu Nadri oo seeftiisa ku jeeni qaaran kuna dhahay: Maxaad la fadhiisateen, dagaalama. Waxay dhaheen: Nabigiibaa la dilay, wuxuu dhahay: haduu dhintay Nabigu kaca oo ku dhinta wuxuu ku dhintay Nabigii Ilaahay, kadibna waa dagaalamay oo waa shahaado qaatay. Sacad ibnu Mucaad wuxuu kale oo ka qaybgalay dagaalkii Axzaab oo gaaladii Qureesh oo ahayd Afar kun oo nin iyo carabtii reer bani Qadafaan oo ahaa Lix kun oo ni ay duulaan kusoo qaadeen magaalada Madiina si ay u qabsadaan waxaana dhagartaas kala qaybgalay Yahuudii reer bani Qureyda oo ballantii ay muslimiinta la ahaayeen ka baxday. Si kastaba ha ahaatee Ilaahay ayaa gaaladii usoo diray mid kamid ah ciidamiisa oo ah Dabyl kadibn hilfaha ayey dabayshaasi u kala qaaday colkii wayn firdhadeen oo ku laabteen meeshii ay ka yimaadeen. Dagaalkaas markuu dhamaaday ayaa Nabigu weerar ku qaaday Yahuudii ku kacday khiyaanada qaran, waxayna soo galeen gacanta Muslimiinta. Sacad waxa dhaawac kasoo gaadhay gacanta oo dhiig ayaa ku furmay waxaana la dhigay cariish uu ku nasto balse markiii ciidankii Muslimiintu qabsadeen Yahuudii ayuu Nabigu u yeedhay Sacad maxaayeelay qabiilkiisa ayey Yahuuda reer banu Qureyda ay xilfi wadaag la ahaayeen. Sacad ayaa yimid goobtii dagaalka waxaanu Nabigu ku dhahay: Sacadoow adigaa xukumaya ee ku xukun waxaad rabto. Wuxuu dhahay Sacad: RAsuulkii Ilaahayow, waxaan ku xukumay in la laayo ragooda lana qafaasho haweenkooda iyo caruurtooda, markaasu Nabiguna dhahay: Waxaad ku xukuntay xukunkii Ilaahay kaga soo xukumay todobada Samo korkooda. Sacad wuxuu had kahor ku ducaystay in Ilaahay furo dhaawicii kasoo gaadhay dagaalka Axzaab hadii uu ka indho doogsado Yahuudii ballanta burisay. Markuu ka indho doogsaday Yahuudii ayaa nabarkii furmay, waxayna keentay inuu u geeriyoodo dhiig bixii iyo nabarkii oo joojin waayey inuu dhiigu istaago. Sacad ibnu Mucaad markuu geeriyooday waxa janaasadiisii ka qaybgalay todobaatan kun oo Malak oo sii galbinaysa maydkiisa siina sagootinaysa, waxa kale oo geeridiisa awgeed gariiray ama gilgilmay carshiga Raxmaanka, waxaan ruuxdiisa loo furay Samooyinka, Ilaahay raali haka ahaado saxaabiga Sacad ibnu Mucaad.

Wednesday, 30 January 2019

Qisadii ninkii lagu tilmaamay inuu ahaa doqon

Ninka la dhaho magiciisa Abuqabashaan, wuxuu ahaa nin kasoo jeeda qabiilka reer Khusaaca. Wuxuuna hayn jiray furaha Kacbada, isagoo wakiilka ka ahaa gabadh la dhaho Xubba bintu Xulayl oo aabaheed magaalada Makkah ka talin jiray islaamka kahor. Xulayl intaanu dhimanin wuxuu furaha kacbada u dardaarmay inantiisa Xubba, balse wuxuu wakiil uga dhigay Abuqabashaan.
Xubba bintu Xulayl waxa qabi jiray ninka la dhaho Qussay ibnu Kilaab oo ahaa nin reer Qureesheed ah, ahna nabiga (scw) awoowgiisa afaraad.
Sida taariikhdu tilmaamayso ninkan Qussay ayaa u tagay Abuqabashan, wuxuuna ka iibsaday furaha Kacbada, isagoo ka siistay koob khamriya. Sidaasna Qussay ayaa furaha Kacbada kula wareegay.
Arrintaas waxay u cuntami wayday qabiilkii reer Khusaaca ee xilligaa Makkah ka talinayey, waxaana dhacay dagaal dhex maray reer Qureesheed iyo reer Khusaaca, waxaana ku adkaaday dagaalkii reer Qureesheed, sidaasbayna kula wareegeen talada magaalada Makkah iyo kacbadaba.
Hadaba ninkan Abuqabashaan, wuxuu noqday nin marka laga hadlayo doqonimada loo soo qaato tusaale, sababto ah wuxuu Kacbada wayn ee qiimahaas leh ku iibiyey cabitaan khamriya.

Xigasho:
Raxiiq Almakhtuum, Saffiyu Arraxmaan Almubaarakfuuri

استغفر الله


Marabtaa khayr iyo wanaag

Ma rabtaa in khasnada Jannada taala aad hesho?

Hadii aad rabto waxaad tidhaahdaa:  ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah”. Waxaana u daliila fadligaas xadiiskan:
قال صلى الله عيه وسلم:” يا عبد الله بن قيس ألا أدلك على كنز من كنوز الجنة ؟” فقلت:بلى يا رسول الله ، قال :” قل لا حول ولا قوة إلا بالله[1]
Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi: ” Cabdilaahi ibnu Qaysoow, makuu tilmaamaa khasnad kamida khasnadaha jannada? Waxaan dhahay: Haa, Rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: ”Waxaad tidhaahdaa: ”Laa xawla walaa quwwata ilaa billaah”

Ma rabtaa in geed timireed Jannada lagaaga beero?

Hadii aad rabto in Jannada geed timireed lagaaga beero, waxaad tidhaahdaa: “SubxaanaAllah al-cadiimi wa bixamdihii” Waxaana u daliila xadiiskan:
عن جابر رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال” :مَنْ قَالَ : سُبْحَانَ اللهِ العَظِيمِ وَبِحَمْدِهِ ، غُرِسَتْ لَهُ نَخْلَةٌ فِي الجَنَّةِ رواه الترمذي (3464) وقال : هذا حديث حسن صحيح غريب
Jaabir, Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in nabigu (scw) dhahay: ”Ruuxii dhaha: SubxaanaAllah al-cadiimi wa bixamdihii, waxa Jannada looga beeraa geed timireed”[2]

Ma rabtaa in danbiyadaada la dhaafo xitaa xunbada baada hala mid noqdaane?

Hadii aad rabto danbiyadaada oo lamid noqday sida xunbada badda, fara badnaantooda awgood, waxa laguugu dhaafaya ereyadan kooban oo aad ku celcliso boqol jeer maalintii. Waxaad tidhaahdaa: ”SubxaanaAllah wa bixamdihii” Waxaana u daliila:
قال صلى الله عيه وسلم:من قال سبحان الله وبحمده في يوم مائة مرة حطت خطاياه ولو كانت مثل زبد البحر
Wuxuu dhahay Rasuulku (scw): ”Cidii tidhaahda, subxaanaAllah wa bixamdihii, maalintii boqol jeer, waxa laga tirtirayaa danbiyadiisa, xitaa hala mid noqdaan xunbada baddee” [3]

Ma rabtaa in hamigaaga Ilaahay kaaga filnaado?

Hadii aad rabto in hamigaaga aduunyo iyo aakhiraba, Ilaahay kaa kaafiyo waxaad ku celcelisaa todoba jeer ” Xasbiya Allahu laa’ilaaha ilaa huwa calayhi tawakkaltu wahuwa rabbul carshi al-cadiim” waxaana u daliila xadiiskan:
عن أبي الدرداء رضي الله عنه أن من قالإذا أصبح وإذا أمسى: حسبي الله لا إله إلا هو عليه توكلت وهو رب العرش العظيم سبع مرات كفاه الله ما أهمه، صادقاً كان أوكاذباً.رواه أبو داود.
Abi dardaa, ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu dhahay: qofkii dhaha: markuu waabariisto iyo markuu galabaystaba: xasbiya Allahu, laa’ilaaha ilaa Allahu, calayhi tawakkaltu wahuwa rabbu al-carshi al-cadiimi, todoba jeer, waxa Ilaahay kaga filnaada wuxuu ku haminayey, run ha ahaado ama beenbee”[4]

Ma rabtaa in 4 qof oo adoomo ah inaad Ilaahay wajigiisa u xoreyso:

Hadii aad rabto inaad xoreyso afar qof oo adoomo ah, oo Ilaahayna (swt) kuu qoro ajirkooda, waxaad akhridaa ducadan toban jeer: ”Laa’ilaaha ilaa Allahu waxdahu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu al-xamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiirun” Waxaana u daliila xadiiskan:
عن أَبِي أَيُّوبَ الْأَنْصَارِيِّ عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قال : ( مَنْ قَالَ : لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، عَشْرَ مِرَارٍ كَانَ كَمَنْ أَعْتَقَ أَرْبَعَةَ أَنْفُسٍ مِنْ وَلَدِ إِسْمَاعِيلَ ) 
Abu Ayuub al-ansaariwuxuu kasoo wariyey Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Cidii tidhaada: laa’ilaaha ilaa Allahu waxdahuu laa shariika lahuu, lahu al-mulku, walahu al-xamdu wa huwa calaa kulli shay’in qadiir, toban jeer, wuxuu lamid yahay sidii qof xoreeyey afar qof oo kamida ubadkii nabi Ismaaciil” [5]

Ma rabtaa in ajirka khatinka Quraanka laguu qoro?

Hadii aad jeceshahay in laguu qoro ajirka khatinka Quraanka Kariimka, waxad sadex jeer akhridaa suuratu al-ikhlaas. Waxaana u daliila xadiiskan:
عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : أَيَعْجِزُ أَحَدُكُمْ أَنْ يَقْرَأَ فِي لَيْلَةٍ ثُلُثَ الْقُرْآنِ ؟ قَالُوا : وَكَيْفَ يَقْرَأْ ثُلُثَ الْقُرْآنِ . قَالَ : قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ تَعْدِلُ ثُلُثَ الْقُرْآنِ 
Abi dardaa waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ”Midkiin ma wuxuu ka caajisayaa inuu akhriyo habeenkii Quraanka sadex daloolkii? Waxay dhaheen: Oo sidee ayaan u akhrinaa quraanka sadex daloolkii? Wuxuu yidhi: Qul huwa Allahu axadun, waxay u dhigmaysaa sadex meelood hal meel oo Quraanka ah”[6]

[1] Bukhaari iyo Muslim
[2] Tirmadi: 3464, waxa saxiixiyey Albaani, silsilada xadiisyada saxiixa ah, xadiiska 64.
[3] Bukhaari: 6405 iyo Muslim: 2692
[4] Abu-daawuud ayaa soo saaray isagoo mawquufa, waxaana saxiixiyey Shucayb iyo Cabdiqaadi al-arnaa’uudi. Akhriso xisnul muslimka, ducooyinka galinka hore iyo galinka danbe, bogga 61aad.
[5] Bukhaari: 6404 iyo Muslim: 2693
[6] Muslim: 811 iyo Bukhaari: 6643

Qisadii nabi luud

QISADII NABI LUUD
(Dhagayso ama Akhriso)
Audio Player
00:00
00:00
Nabi Luud (N.N.K.H) waxa weeye wiilkii uu adeerka u ahaa Nabi Ibraahim Al-khaliil. waxaana Eebe u diray magaalo la dhaho Saduum, oo iminka loogu yeedho Badda dhimatay.
Qoomkii Nabi Luud waxay ahaayeen gaalo, balse waxa u dheeraa inay ahaayeen qoom akhlaaqda iyo fidrada basharka ka baxay, waxa Ninku ugalmo tagi jirey Nin kale. Waa caado aan hore uga dhicin basharka dhexdiisa iyo xataa xayawaanaadka kale.
Eebe waxa uu abuuray waxa uu ka dhigay lammaane, Raga iyo Dumar sidoo kale xayawaanada, dhirta, roobka iyo makhluuq kasta waxay leeyihiin lamaane waa Lab iyo Dhidig, waxaanu ugu talo galay in labka iyo dhidigu ay is guursadaan oo iskugu tagaan hab ku haboon, laakiin qoomkani way khilaafeen fidrada basharka.
Ficilkan foosha xun waxay ku samayn jireen dadka hortooda, waana layskugu faani jiray,  ceebna agtooda umay arkeyn.
Nabi Luud (N.N.K.H) waxa uu ubandhigay inay Eebe kaligii caabudaan, oo ka dheeraadaan falkan foosha xun isna nadiifiyaan (daahiriyaan) hase ahaatee waxay u arkayeen dadka is daahiriya danbiilayaal iyo dhagar qabeyaal.
Waxay ku doodayeen sida iminka dawladaha (dib u maray) ay ku doodaan oo dhahaan waa xorriyad qofku leeyahay laakiin arrintaasi caqli bani aadmka iyo ka jinka toona ma gasho.
Nabi Luud ( N.N.K.H) waa ku waday dacwadii balse dhagta umaysan dhaadhicin ee xumaantii ayey sii wadeen waxayna go’aansadeen in laga saaro Nabi Luud baladka sababtoo ah waa is daahiriyaa.
Nabi Luud xishood awgeed ayaa dadka magaalada soo gala oo ku dhihi jirey; magaaladan ha galina, hana u dhowaanina sababtoo ah waa dad xumaanta iyo rag u taga ku faanee.
Arrintii waxay gaadhay qoomkiisii kadibna way ku gadoodeen oo ku dhaheen miyaanan kaa mamnuuncin inaad dadka naga leexiso.
Qoomkii Nabi Luud oo  waxay rabeen inay caadadan xun ku tallaalaan dadka martida ah, oo cidii magaalada soo gasha kamaysan nabad gali jirin ee waa loo kala hordheerayn jiray.
Sidoo kale xaaskii Nabi Luud waxay qoomkeeda ku raacsanayd xumaanta, oo sirta Nabi Luud iyo martida u timaada ayey faafin jirtay kadibna qoomkeeda ood moodo inay sakhraameen ayaa u iman jiray guriga Nabi Luud, si loogu soo saaro raga martida ah oo ay xumaan ugu sameeyaan.
Maalintii danbe waxa magaalada soo galay sadex Nin oo qurux badan waxayna u tageen Nabi Luud si uu umarti qaado balse xishood dartii ayuu Nabi Luud (N.N.K.H) ku yidhi nimankii magaaladan warkeeda ma haysaane ee iskaga baxa oo meel kale marti qaad ka dalbada, laakiin sadexdii nin way diideen inay meel kale qabtaan oo waxay ku adkaysteen inuu isagu marti qaado.
Xaaskii Nabi Luud oo ahady duq laga falay afka, ayaa warkii gaadhsiisay qoomkeedii, kadibna koox ka tirsan qoomkii ayaa gurigii Nabi Luud iskugu yimid si ay ugu xadgudbaan Sadexda Nin ee dhalinyarada ah.
Nabi Luud (N.N.K.H) waa laga awood batay, waana celin kari waayey kooxdii xumaanta waday. kadiban waxa uu ku dhahay miyaan Nin wax kala garanaya idnku jirin, waxaad wadaan waa caado xun oo caqliga dadka aan galin ee hadaad galmo dooni ula qasdiya  haweenka ayagaa idiin xalaale.
Qoomkiisii oo xumaantu biyo shuabatay ayaa ka dhiidhiyey oo ku adkaystay in loo soo saaro sadexda Nin ee martida aha, markaasaa Nabi Luud ku calaacalay inaanu awood uu ku difaaco martidiisa haynin.
Markuu Nabi Luud calaacalay ayey sadexdii nin dhaheen; waxaan nahay Malaai’k, kumana soo gaadhayaan ee Eebe ayaa na soo diray oo waa la halaagayaa qoomkan.
Sadexda Malak waxay ahaayeen malakul Jibriil, Miikaa’iil iyo Israafiil (N.N.K.H). Malakul Jibriil ayaa usoo baxay kooxdii xumayd, kadibana way farxeen markaasuu Malakul Jibriil mid kamida baalashiisu haleeshay qoomkii kadibna way indho beeleen dhamaantood, waxaana la dhahaa waxa la waayey indhihii oo booskii indhaha waa baaba’ay.
Ciqaabkii Eebe waxa uu ahaa marxalada kala duwan.
Markii koowaad way indho beeleen kadibna malaa’iktii waxay ku dhaheen Nabi Luud cadaabku waxa uu ku dhacayaa barrito subaxa, subaxuna waa dhow yahay.
Nabi Luud qoomkiisa cidina kamay rumaynin, marka laga reebo isaga iyo labadiisii gabdhood.
Habeenkii ayaa Nabi Luud iyo labadiisii gabdhood ka baxeen magaaladii, waxaana dareentay xaaskiisii dabadeedna waxay damacday inay raacdo Nabi Luud laakiin waxa asiibay wixii asiibay qoomkeedii.
Subaxii waxa ku dhacay cadaabkii waxaana sare loo qaaday magaaladii ayadoo dhulka laga rujiyey oo la geeyey samada, codkii iyo baroortoodii waxa maqlay malaa’iktii samada joogtay kadibna waxa lagu soo tuuray dhagxaan ay ku qorantahay magacyad mujrimiinta  (danbiile) oo mid kasta oo ka mida haleeshay.
Kadib waxa la hoos mariyey dhulka, oo waxa saro maray dhulka qaybtii hoosaysay, dabadeedna roob ayaa Eebe korka kaga keenay sidaasbaanay ku noqotay tuuladii ay daganaayeen bad dhimatay.
Hadh iyo habeena waa la dul maraa, lamana garanayo in goobtaasi ahaan jirtay magaalo bari.
Sidaasbaana  Ilaahay ku ciqaabay qoobkii xumaanta u ban baxay, sidoo kale Eebe waxa uu u goodiyey cid kasta oo wadoodii marta in ayana ay asiibi doonto ciqaab la mid ah.
Fiiro gaara.         
Xaaskii Nabi Luud waxay ahayd gaalad, faafisana sirta saygeeda, waxayna raali ka ahayd waxay qoomkoodu samaynayaan laakiin sida culumadu sheegayaan ayadu maysan samaynjirin xumaanta sababtoo ah uma cuntanto in Nabi Luud  ay xaaskiisu ahaato naag xumaanta samaysa.

Ilaahaybaan ka magan galnay cadhidiisa iyo ciqaabkiisa.Hanaga ilaawin Ducada, khayr Eebe haku siiyo.
Sii faafi si aad u hesho ajar lamid ah qofka akhrista ee wax ku qaataa. Mahadsanidin.

ABUURISTA AADAMIGA

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم -وَهُوَ الصَّادِقُ الْمَصْدُوقُ-: "إنَّ أَحَدَكُمْ يُجْمَعُ خَلْقُهُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا نُطْفَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يُرْسَلُ إلَيْهِ الْمَلَكُ فَيَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، وَيُؤْمَرُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ: بِكَتْبِ رِزْقِهِ، وَأَجَلِهِ، وَعَمَلِهِ، وَشَقِيٍّ أَمْ سَعِيدٍ؛ فَوَاَللَّهِ الَّذِي لَا إلَهَ غَيْرُهُ إنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُهَا. وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا".  [رَوَاهُالْبُخَارِيُّ]، [وَمُسْلِمٌ]
XADIISKA 4aad
ABUURISTA AADAMIGA

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee): Waxaa noo xadisay Flasuulkii Alla (s.c.w.) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxu u yiri :
Qof ka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood, intaa in la'egna, wuxuu ahaanayaa xinjir yar, intaa in la'egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah: inuu qoro arsaaqadiisa, cimrigiisa, shaqadiisa iyo in uu yahay shaqaabad ama saciid.
Waxaan ku dhaartay Allahaa aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, Wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta.
Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalka reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada. Waxaa weriyay al-Bukhaariyo Muslim.
SHARAXA
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyadi, muddo 120 beri ah ayey isu beddelaysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la'eg. Marka ay 4 bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi 28 wuxuu ku kici doono shar iyo 'kheyr'' ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xilsaaray. Waxaa kale oo xadiiskani na tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qof ku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay. Haddaba waxaa 'la gudboon qof waliba inuu 'llaahay baryo inuu khaatumadiisa kheyr ka dhigo.
FAAIIDADA XADIISKA
1. Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi.
2. llaa 4 bilood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada.
3. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Suaalo..iyo jawaabi

Su aalo iyo jawaabo caqiido  س/ماهو الشرك الاصغر؟ ج/ الشرك الصغر هو الرياء هل يجوز حلف بغير الله؟ ج/لا يجوز الحلف بغير الله س/هل يحتاج ...